ILMAHA XANAAQA BADAN.

Sahal Maha cunug aan Ku maqlaynin hadana Ku dhibaayo ilmaha Kalama dhibaayo si aad ula macaamishid.

Lakiin ugu horeeyn waad saacidaysaa. Maxaad kusaacidaysaa waad u fiirsanaysaa, maxaa haayo badelkii aad xanaaqiisa iyo qayladiisa u fiirsanlahayd waxaad fiirinaysaa muxuu samaynaa? Taas waxaad ka dhex arkee waxa Haya goormuu xanaaqaa? Maxaa dhibaayo? Ilmaha siyaabo badan Bay u xanaaqaan waxaa kamid ah inuu dareemo cadaalad daro Matalan walaashiis ama walaalkii oo uu is dhaho waa lagaa xigsanaa.

Tips:

1- Markasta ood cunuga lahadlaysid hoos isku dhig (same level) sababtoo ah ilmuhu waxuu fiiriyaa jirka (body language) markaad hoos isku dhigtid cunugu wuu dagaa.

2, yuu kaa Arkin wajigaaga wax xanaaqaan ah li’ano waxuu fiirinaa calaamadahaaga wajiga marka hadaad xanaaqsantahay wax ma’ u sheegi kartid.

3, lahadal adigoo aad u Dagan, dulqaad iyo Samir umuuji markuu XANAAQA siiwado.

4, markaad lahadlaysid codkaaga hoos u dhig.

5, dhagayso waxuu kuu sheego markaasna wax ka qabo.

6, markaad aragto ilmahaagii oo wax fiican samaynaya faani ama amaan Matalan dheh waaxan arkaayay adigoo walaalkaa la wadaageysid ciyaarta mahadsanid dheh ,woow.

7, bar sida xanaaqa la iskaga babi’iyo adigoon dad Dilin, dheh kawaran hadaan hawada soo qaadano, waxaad tusi kartaa ama bari kartaa inaad jawiga xanaaqa kabadashid sidaas waxuu Asaga ama iyada ay Ku baranaayaan iyagoo yaryar inay maamulaan xanaaqooda. Xadiiskana waa kan dhahaya hadaad xanaaqdaan ood fadhiday kac ama jawigaas badel.

Ogow xanaaqa waa qayb kamid ah koritaanka ilmaha.

Leave a comment